Sunday, May 19, 2024

Nin Burcadnimo ku caan baxay oo diyaarad Helikobtar ah uga baxsaday Xabsi ku yaalla Faransiiska

Nin burcad caan ah oo si weyn looga yaqaan dalka Faransiiska ayaa xabsigii uu ku jiray uga baxsaday kadib markii uu diyaarad kuwa qumaatiga u kaca e Helikobtar ah ay ka taageertay inuu ka baxsadao  xasbi ku yaalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Ninkan oo lagu magcaabo Redoine Faid ayaa xariif ku ah burcadnimada, waxaan falkan yabaka ah gacan siiyay saddex nin oo aad u hubaysan. Labo nin oo hubaysan oo wajiga soo qarsaday ayaa adeegsaday bambooyin qiiq ah iyo mashiinada wax lagu gooyo iyaga oo u dhacay qolka booqasha oo Redoine Faid uu kula hadlayay walaalkii.

Ninkii saddexaad ee hubaysnaa ayaa barxadda xabsiga ku ilaalinayay diyaaradda Helikobtarka ah  iyo duuliyaheeda oo ahaa macalin dadka bara duuliyenimada oo ay ragan soo afduubteen.

Ad

Diyaaradda ayaa u duushay dhanka Gonesse oo aan sidaa uga fogayn xabsiga, halkaas oo booliisku ay ka heleen. Waxaa socda baaritaan xoog leh oo lagu raadinayo ninkan oo ah markii labaad ee uu xabsi ka baxsado.

Diyaaradda qumaatiga u kacda ee uu ku baxsaday ayaa laga helay Gonesse oo ku taalla waqooyiga Paris
Diyaaradda qumaatiga u kacda ee uu ku baxsaday ayaa laga helay Gonesse oo ku taalla waqooyiga Paris

Faid oo 46 jir ah ayaa ku xukunnaa 25 sano oo xabsi ah ka dib markii uu ku fashilmay  dhac uu doonayay in uu gaysto oo lagu dilay askari booliis ah.

Waa markii llabaad ee dad hubaysan ay xabsi u dhacaan, sannadkii 2013-kiina wuxuu ka baxsaday xabsi isaga oo afar waardiye gabaad ka dhigtay isagoo dhawr albaabna qarxiyay.

- Advertisement -

Waxay u suuragashay in uu xabsiga ka baxsado badh saac ka dib markii la keenay xabsi ku yaalla waqooyiga Faransiiska, lix toddobaad ayuuna baxsad ahaa wakhtigaas.

Faid ayaa ka baxsaday xabsiga Sud-Francilien oo ku yaalla duleedka Paris
Faid ayaa ka baxsaday xabsiga Sud-Francilien oo ku yaalla duleedka Paris

Image result for Redoine

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON