Sunday, May 19, 2024

Meydad rag Soomaali oo ay dileen ciidamo shisheeye oo lagu daadiyey xeebaha Gobolka Sanaag

Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xeebaha degaanka Durduri laga helay meydadka laba nin oo halkaasi la soo dhigay.

Dadka degaanka ayaa sheegaya waramaya in Doomo dheereeya oo ciidamo shisheeye ay wataan ay meydadkan kusoo tuureen xeebta degaankaasi, kadibna ka tageen.

Labada nin ee meydadkooda  la soo dhigay xeebta Durduri  ayaa ka mid ahaa dadka degaankaasi laga yaqaan, waxaana jirkooda lagu arkay rasaas lagu dhuftay.

Ad

Ma jirto faahfaahin ku saabsan qaabka loo dilay raggan iyo sababta dilkooda midna, waxaana dadka degaanka ay sheegayaan in ciidamada shisheeye ee ka howlgalla Badda Soomaaliya ay ka dambeeyeen dilkan.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON