Sunday, May 19, 2024

Maxkamadda Ahlu Suna ee Dhuusamareeb oo Xabsi ku xukuntay Weriye ka tirsan Radio Kulmiye

Maxkamadda ciidamada Ahlu suna ee magaalada Dhuusamareeb, maamulka Galmudug ayaa xukun xabsi ah ku riday weriye ka howlgala magaaladaasi oo u shaqeeya warbaahin kala duwan  oo ay ka mid tahay Radio Kulmiye.

Weriyaha Radio Kulmiye ee Gobolka G/gaduud Maxamed C/wali Tooxow ayey Maxkamadda magaalada Dhuusa-Mareeb ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah, iyadoo lagu soo eedeeyay inuu warar been ah oo halis ku ah amniga kasii daayey idaacadda Kulmiye ee xarunteedu tahay magaalada Muqdisho.

Arrimaha lagu heysto weriye Maxamed Cali Tooxow ayaa intooda badan ku saabsan warar ku saabsan Alshabaab oo la sheegay inuu ka sii daayey idaacadda kulmiye, waxayna maxkamaddu sheegtay inuu xukunka lagu riday ka qaadan karo rafcaan muddo 48 saacadood ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON