Sunday, May 19, 2024

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Sarkaal ka tirsan Alshabaab iyo Darawalkiisii oo lagu qabtay dagaal

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun xabs daa’in ah ku riday laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo lagu qabtay dagaal ka dhacay xuduurka degmada Deyniile iyo degaanka Basra ee degmada Balcad, Gobolka Sh/Dhexe.

Xasan Cabdi Aadan Nuur & Cumar Xuseen Abshir Jaabir  ayaa lagu soo eedeeyay inay ka mid yihiin, iyagoo ahaa Sarkaal iyo Darawalkiisa oo ka howlgeli jiray degaanada u dhaxeeya degmada Balcad iyo degaanka Basro oo xarun Alshabaab ku leeyahay.

Weerarkii Ciidamada Xoogga Dalka ku qaadeen ayaa labada Eedeysane lagu soo qabtay iyagoo  oo dhawaac ah Bishii November 2019. Waxaana markaas kadib xaaladooda la tacaalay oo daweeyay Hay’adaha Caafimaadka Dowladda, waxaana 11-kii March Sanadkan ay ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta oo xilligaas codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo Xasan iyo Cumar.

Ad

Xasan Cabdi Aadan Nuur ayaa ahaa madixii Maaliyadda degmada Balcad u qaabilsanaa  Alshaaab; Cumar Xuseen oo darawal u ahaa ayaa Maxkamadda ka hor sheegay inuu ahaa nin iskiis isaga xamaasho laakiin Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa labada Shaqsi kuwada Eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen weerar ay Alshabaab ku qaadeen fariisin Ciidan.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukunka labada edeysane ee Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir oo lagu xukumay Xabsi daa’in.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON