Sunday, May 19, 2024

Maxamed Farmaajo: “Dalkan waxaa isku heysta oo dagaalamaya laba afkaar oo kala ah Wadaniyad iyo…”

Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay munaasabad lagu xusay 1-da Luulyo oo maanta lagu qabtay Xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyaradda sanadkaan u dabaal degay maalmaha xoriyadda ay rajo badan geliyeen inay soo noqoneyso Wadaniyadii, wuxuuna intaas ku darray inay dalka isku heystaan oo ku dagaalamayaan laba afkaar oo ah Wadaniyad iyo Qabyaalad, taasoo ay tahay in la kala doorto.

“Qabyaaladu umaddeenii waa kala qeybisay, waxyana na dhigtay Afrika meesha ugu hooseysa, caddowgeenii iyo shisheeyihii waxay siisay fursad ay nagu sii kala qeybiyaan oo nagu maamulaan.. Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaan aragnay wadaniyadii oo soo noolaatay.. ogaada dagaalkii waa socdaa.. hadda rajo ayaa ii muuqata in wadaniyadii ay xoogeysaneyso, qabiilkiina uu jabaayo..” ayuu yiri Farmaajo.

Ad

Wuxuu sheegay inuu dalkeena soo noqon doono, dib u midoobi doono, qarankana uu dhismi doono, isagoo sheegay inay tanay in la kala doorto wadaniga dalka mideynaya oo soo celinaya sharafta iyo karaamada ama kii dalka burburiyey ee 30-ka sano meeshaas dalka dhigay.

Khudbada Farmajo ayaa waxaa khudbadiisa hareeyay sacab, mashxarad iyo heeso ay qaadayeen fanaaniin iyo kooxo lagu diyaariyey Tiyaatarka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON