Tuesday, May 21, 2024

Mas’uuliyiin, Musharax iyo Shacab ku geeriyooday Qarixii Is-miidaaminta ee Magaalada Beledweyne

Akhriso: Magacyada qaar ka mida dadkii ku geeriyooday Qarixii Is-miidaminta ee magaalada Beledweyne

Dad badan oo ay ka mid yihiin Guddoomiye k uxigeenkii Gobolka, Nin Musharax ahaa iyo shacab fara badan oo Reer Hiiraan ah ayaa maanta ku dhintay qarixii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Beledweyne.

Qaraxa oo uu fuliyey Is-miidaamiye beegsaday Baarka Xasan Dhiif oo u dhow xarunta Gobolka, ahna Goob ay dad badan isugu yimaadaan ayaa dhaliyey qasaare lixaad leh, xilli duhur ah oo dad badan ay Goobta ku usgnaayeen.

Ad

Dadka dhintay waxaa ka mida Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maareynta Gobalka Hiiraan Cabdirashiid Sheekh Cali.

Waxaa kaloo ku dhaawacmay mida Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Baladweyne Cabdiraxmaan Kaynaan.

Waxaa sido kale qaraxa ku dhintay Maxamed C/llaahi Nuur oo ahaa musharax u taagan kursiga tirsigiisu yahay HOP03.

- Advertisement -

Dadka shacabka ah ee qaraxan ku dhintay waxaa ka mida:

Maxamed Cusmaan Macoow (Cirro)

Axmed Duwane Cumar

iyo kuwo kale.

- Advertisement -

Tirada dhimashada ayaa la sheegay inay ka badan tahay 15 qof, waxaana jira dhaawacyo ku dhow 20. Qaraxa ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee muddooyinkan ka dhaca magaalada Beledweyne.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mida Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle oo lagu macgaaabo Aadan Kaladire iyo xubno kale.

Magaalada Beledweyne waxay isku-diyaarinaysaa doorashada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kuraasta la filayo in lagu tartamo ku jira kursi uu aad u daneynayo Fahad Yaasin oo ciidampo iyo ergadii dooran lahayd u diray magaaladaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON