Saturday, May 18, 2024

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Wiilkii ku guuleystay Tartanka Quraanka Dubai [Sawirro]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta madaxtooyada kula kulmay wiil Somali-Mareykan ah oo ku guuleystay tartanka ugu weyn dunida ee quraan akhriska Dubai sanadkan.

Madaxweynaha ayaa casuumad u diray Axmed Burhaan Maxamed oo 17 sano jir ah, kadib markii uu magac weyn u soo hooyey Mareykanka iyo Soomaaliya, waxuuna maalmod kadib martiqaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaddib guushii taariikhiga ahayd ee  Tartanka Caalamiga ah ee Qur’aan akhriska Dubai.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaaka Soomaaliya iyada oo xoojineysa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ay qabanqaabin doonto sanad walba tartan Qur’aan oo ay ka qeyb gali karaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda.

Ad

Kulankan waxaa ku wehliyay Aabihiis Burhaan Maxamed, Macalinkiisa Quraanka Cabdinaasir Maxamuud Faarax  iyo Sh. Maxamed Cabdullaahi oo ka tirsan madaxda Masjidka Abuubakar Sadiiq ee Minneapolis.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON