Saturday, May 18, 2024

Madaxweynaha Yeman oo Waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya

Aden (Yemen), December 25, 2016 – Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Yemen, Danjire Abdullahi Hashi Shuriye

ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yemen Abdrabbuh Mansur Hadi kadib munaasabad lagu qabtay gelinkii dambe ee shalay Madaxtooyada KMG ah ee Magaalada Cadan .

Madaxweynaha Yemen ayaa waxa uu bogaadiyay xiriirka xoogan ee walaalnimo iyo midka derisnimo ee Yemen kala dhaxeeya Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed , isaga oo tilmaamay in ku dhow 1,200,000 muwaadiniin Soomaali ah ay fursado nololeed iyo mid shaqo ay ka heleen dalkiisa, si wanaagsanna loola dhaqmay.

Ad

Madaxweynaha Yemen Abdrabbuh Mansur Hadi ayaa fariin salaan ah u diray walaalkiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u rajeeyay hoggaanka , Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed in badan oo horumar ah, ammaan, deganaansho iyo in guul ay ku dhammaato doorashooyinka ay Soomaaliya galeyso bilowga sanadka soo aadan ee 2017 , taasi oo uu ku sheegay in ay calaamad u tahay in Soomaaliya ay gashay weji cusub oo nabadgelyo iyo dib u heshiisiin ah.

Madaxweynaha Yemen ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo xog isdhaafsiga labada dal si looga hortago argagaxisada isaga kala gooshta soohdinnada badeed , waxaana uu muujiyay sida uu diyaar ugu yahay garab istaaga Safiirka Soomaaliya si howsha loo igmaday ugu guuleysto.

Dhankiisa, Ambassador Abdullahi Hashi Shuriye ayaa gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud , isaga oo cadeeyay in dalkiisa uu isbar bartaagay Xukuumadda iyo Shacabka Yemen, ayna si buuxda u taageereen sharciyadda dastuureed ee Madaxweyne Abdrabbuh Mansur Hadi.

- Advertisement -

Danjire Abdullahi Hashi Shuriye ayaa ballan qaaday inuu xoojinayo xiriirka walaalnimo ee labada dal ka dhaxeeya, taasi oo dan u ah labada shacab ee walaalaha ah.

Ministry of Foreign Affairs and Investment Promotion

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON