Saturday, May 18, 2024

Madaxweynaha Uganda oo Farmaajo siiyey talo ku saabsan qaabka loo dhiso ciidamo Qaran “Ka bilow Maleeshiyo Beeleed”

Maxaa dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Yoweri Musaveni..?

Waxaa dibadda u soo baxay wixii dhex maray madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Uganda Yoweri Musaveni, kadib kulan gaara oo ku dhex maray magaalada Adiss ababa inti uu socday shir madaxeedkii Midowga Afrika.

Sida laga soo xigtay qeybta Warfaafinta Madaxtooyada UgandaYoweri Musaveni ayaa kula taliyey Madaxweynaha Soomaaliya inuu dhiso ciidamo maleeshiyo degaan (Beel) oo daacad u ah, kuwaasoo aan wax lacag ah qaadanin si ay u difaacaan una xoreeyaan dalka, iyadoo markaas kadib si tartiib ah loogu bedelayo ciidamo Qaran oo mushaar qaata muddo laba sano gudahood ah.

“Waxaad u baahan tahay inaad dhisto ciidamo qaran, waana inaad ka talo gelisaa kaabo-qabiilada iyo dadka ay quseyso, iyadoo saldhig looga dhigayo fekradda ah mutadawacnimo..” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda oo talo toos ah u jeediyey madaxweynaha Soomaaliya.

Ad

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu aqbalay talada madaxweynaha Uagnda isagoo Musaveni bku casuumay booqasho uu ku yimaado dalka; wuxuuna intaas ku daray in dhismaha ciidamada Qaran ee Soomaaliya uu maro heer bilow ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON