Saturday, May 11, 2024

Madaxweynaha Masar oo ku dhawaaqay Go’aan culus oo lagu difaacayo Somaliya

Madaxweynaha Masar Abdulfatah Alsisi ayaa ku dhawaaqay inuusan dalkiisa ogolaan doonin in halis geliyo qaranimda iyo midnimada Soomaaliya, ayna diyaar u ahay haddii laga dalbado inay difaacdo.

Alsisi oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku jooga Mar, wuxuuna caddeeyay in Soomaaliya ay ka mid tahay Dalalka Jaamacadda Carabta oo xaq u leh in la difaaco haddii halis la geliyo.

“Masar ma ogolaan doonto cid kasta oo khatar ku ah Soomaaliya inay halis geliso gelisoamnigeeda” ayuu yiri Sisi oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Masar.

Ad

Wuxuu intaas raaciyay: “Ha isku daandaansan Masar, ama ha isku dayin inaad u hanjabto walaalaheed gaar ahaan haddii ay ka codsadaan inay soo farageliso” ayuu raaciyay Madaxweyne Al-sisi.

Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi wuxuu ku eedeeyay Itoobiya inay ka gudubtay xadkii dalalka lau yiqiin, isla markaana haddii ay Soomaaliya dalbato ay Masar diyaar u tahay inay difaacdo Soomaaliya oo ka mida Jaamacadda Carabta.

Heshiiska Itoobiya la gashay Maamulka Somaliland 1-dii Jannaayo, Itoobiya ayaa ku saabsan inay hesho marin Badeed, taasoo keenay inay dalal badan cambaareeyaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON