Sunday, May 5, 2024

Askartii Mareykanka ee lagu waayay Xeebaha Somaliya oo la shaaciyay inay dhinteen

Taliska Dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa shaaciyay in askartii lagu waayey Xeebaha Soomaaliya ay dhinteen, kadib muddo markii la baadi goobayay.

Qoraal kasoo baxay Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa loogu baroor diiqay labada askari ee ka tirsanaa Marines-ka Mareykanka, wuxuuna ku dhawaaqay in baaritaan dheer oo socday 10 maalmood ka dib labadii askari loo aqoonsaday inay dhinteen.

Hawlgalka baadigoobka iyo samatabixinta ee labada askari ayaa la sheegay in la waayey intii ay ku jireen doonida sharci darrada ah ee siday hubka casriga ah ee Iran Jan. 11.

Ad

Intii lagu guda jiray hawlgalkan balaaran ee baadigoobka, waxaa ka qeyb qaatay Ciidamada Badda ee Maraykanka, Japan, iyo Spain, iyadoo si joogto ah looga baaray in ka badan 21,000 mayl laba jibaaran.

“Waan u baroor-diiqeynaa khasaaraha naga soo gaaray waayoda labadeena Askari ee Badda, waxaanan waligeen xushmeyn doonaa naf-hurnimadooda” ayuu yiri General Michael Erik Kurilla o ah Taliyaha USCENTCOM.

Taliska ayaan shaacin magacyada labada askari Mareykanka uga dhintay Xeebaha Soomaaliya xilli la sheegay inay howlgal ku jireen ay ku qateen Markab Hub siday, balse kadib ay hafteen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON