Sunday, May 12, 2024

Madaxweynaha Masar oo Ergo degdega u soo diray Somaliya iyo Xasan Sheekh oo ku sii jeeda..

Madaxweynaha dalka Masar Abdifatah Al-sisi ayaa wafdi gaara oo ah ergo ka socota u soo diray Soomaaliya, si ay farriin iyo casuumaad u soo gaarsiiyaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdigan oo madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh intii aanu u dhoofin dalka Eritrea ayaa la sheegay inay ka wadahadleen xaaladda faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya, kadib heshiiskii Abiy Ahmed la galay Madaxweynaha Somaiiland Muuse Biixi.

Wafdiga Sare ee madaxweynaha Masar u soo diray Soomaaliya ayaa yimid kadib markii ay khadka telefoonka ku wadahadleen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar, iyadoo madaxweynaha Masar uu Soomaaliya ugu yaboohay taageero dhinac kasta ah.

Ad

Farriinta Madaxweynaha Masar ee dhiggiisa Soomaaliya ayaa la shaaciyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh loogu fidiyay casuumaad inuu tago dalka Masar, taasoo uu aqbalay, waxaana la fialyaa inuu si degdega ku gaaro halkaasi.

Madaxweynaha Masar wuxuu mar kale ku celiyay inuu si aan leexleexad lahayn u taagersan yahay gobannimada, midnimada iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Masar ayaa ahaa dalkii ugu horeeyay ee Soomaaliya ku garab istaagay faragelinta Itoobiya ku dooneyso Dhul iyo Bad ka mida Dhulka Soomaalida, sida lagu saxiixay Addis ababa 1-dii bishan Janaayo 2024.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON