Dawladda Jabuuti ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xaaladda ka dhalatay heshiiska is-afgarad ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland oo keenay xiisad diblomaasiyadeed.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa lagu sheegtay inay ka walaacsan yihiin xiisadda kasoo cusboonaatay Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo ku baaqday in Xiisadda labada dal lagu dhammeeyo Dariiq wada-hadal.
“Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadda ah hoggaanka urur gobolleedka IGAD waxay xaqiijinaysaa inay si qoto dheer u ilaalinayso, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan Dawladaha xubnaha ka ah ururka IGAD, sida ku cad Heshiiska IGAD iyo xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jabuuti.