Sunday, May 19, 2024

Madaxweynaha Jabuuti oo socdaalkiisii soo gabagabeeyay, kana dhoofay Magaalada Muqdisho [Sawirro]

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabgabeeyay socdaalkii uu ku joogay magaalada Muqdisho, iagoo galabta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Adden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa Garoonka ku sii dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadib booqasho qaadatay laba maalmood, wuxuuna xariga ka jaray dhismaha safaaradda Jabuuti ee magaalada Muqdisho, isagoo dhinaca kale khudbad u jeediyey xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle oo hore loo sheegay inuu tegayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ku sugan yihiin ayaa socdaalkiisa ku soo koobay magaalada Muqdisho.

Ad



Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON