Saturday, May 18, 2024

Laba Caruur ah oo si xun loogu dilay Muqdisho iyo Nin lagu tuhunsan yahay oo la xiray..

Fal naxdin leh ayaa ka dhacay degaanka Garasbaalley ee magaalada Muqdisho, kadib markii si fool xun loo dilay laba caruur ah oo yaryar.

Caruurtan ayaa la sheegay in xalay la waayey markii adeeg loo diray, kadibna saaka meydkooda lagu arkay xaafadda Jaamacadda Zamzam ee Degaanka Garasaalley, iyadoo la jirdilay oo si xun u dhintay.

Dadkii ugu horeeyay ee meydka caruurtan oo kala ah wiil 7 sano jir ah iyo gabar 5 sano jir ah ayaa sheegay in wiilka ilkaha laga daadiyey, halka gabadha Bac lagu ceejiyey, waxaana maanta lagu aasay degaanka Garasbaalley.

Ad

Ciidamada Amniga ayaa tegay goobta falku ka dhacay, waxaana socda baaritaan, iyadoo wararka qaar oo aan la xaqiijin sheegayaan in dilka caruurta lagu tuhunsan yahay nin qabay hooyada dhashay caruurtaasi oo adeer u ahaa, kaasoo la xiray.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON