Sunday, May 19, 2024

Is-miidaamiyeyaal isku soo xiray waxyaabaha Qarxa la laayay intii aanay is qarxin

Saddex ruux oo rabay in ay is qarxiyaan ayaa la dilay iyaga oo qorshaynayay in ay gudaha u galaan maxkamad ku taala agagaarka Tangi ee degmada Charsadda, sida ay warbaahinta deegaanku ka soo xigteen saraakiil. Waxaa la maqlay qaraxyo iyo rasaas.

Ugu yaraan hal qareen ayaa dhintay kuwo kalana way dhaawacmeen ka dib markii la weeraray maxkamad ku taala waqooyiga galbeed ee dalka Pakistan, sida ay sarakiishu sheegeen.
Pakistan waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacay qaraxyo badan oo ay sheegteen malayshiyooyin kala duwan kuwaas oo galaaftay nolosha in kabadan 100 ruux.

Ad

Ugu yaraan 80 ruux ayaa ku dhintay ka dib markii uu ruux isku qarxiyay meel ay ku cibaadaysanayeen dad suufiyo ah oo ku yaalla magaalada Sehwan, waxaana sheegtay kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.

Dawladda Pakistan oo arrintaas ka jawaabaysa ayaa billawday hawlgallo ammaan, waxayna sheegtay in ay dishay 100 ka mid ah malayshiyaadka.

BBC

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON