Sunday, May 19, 2024

Imisaa Alshabaab looga dilay Dagaalkii Halgan..? [AKHRI WARBIXINTA DOWLADO IS KHILAAAFAY]

Weerarkii Alshabaab ku qaadeen aroortii saaka 9 June 2016 tuulada Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa noqday kii ugu qaraaraa ee qasaare kasoo gaaro kooxda Alshabaab iyo dagaalkii ugu khilaafka badnaa ee la isku qabto tirada qasaaraha uu dhaliyay, gaar  ahaan tirada lagu dilay dhinac ka mida kooxihii dagaalku dhex maray.

Dagaalka oo lala beegsaday saldhig ay ciidamada ku lahaayeen tuuladaasi ayaa qasaaraha ka dhashay waxaa ka hadlay dhinacyo kala duwan, waxayna kala sheegeen tirooyin is khilaafsan sida ku cad shaxda hoose:

  1. AMISOM waxay sheegtay in dagaalka lagu dilay 110 maleeshiyo oo Alshabaab ka tirsan
  2. Itoobiya waxay sheegtay inay dishay 120 Alshabaab ah.
  3. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in dagaalka lagu dilay 24o maleeshiyo oo Shabaab ah.
  4. Alshabaab waxay qirtay oo kaliya in dagaalkaasi looga dilay 16 dagaalyahan.

Dhinaca kale qasaaraha gaaray Itoobiyaanka:

Ad
  1. Alshabaab ayaa sheegtay inay dishay 60 askari oo Itoobiyaan ah
  2. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Itoobiyaanka laga dilay 10 askari
  3. Itoobiya ayaa dhinaceeda sheegatay inaysan cidna uga dhiman dagaalka

Itoobiya ayaa lagu yaqaan inay si weyn u qariso qasaaraha ciidamadeeda ka soo gaaray dagaalada ay ku galaan Soomaaliya, waxaana dhacday in weriyeyaal galabta tegi lahaa aagga dagaalku ka dhacay ee Halgan la joojiyo socdaalkooda daqiiqadihii ugu danbeeyay.

Akhri: Sidee Ciidamadii Itoobiya ee Saldhigga Halgan uga badbaadeen weerarkii Alshabaab?

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON