Sunday, May 19, 2024

Hoggaamiyihii Gooni u goosadka Gobolka Catelonia oo isu dhiibay Booliska

Dacwad oogayaasha dalka Belgium ayaa xaqiijiyay in hogaamiyihii shaqada laga cayriyay ee Catalonia , Carles Puigdemont,iyo 4 xubnood oo horey uga tirsanaa golihiisa wasiirada ay isu dhiibeen booliiska dalka Belgian.

Garsoore u dhashay dalka Spain ayaa horey u soo saaray warqad lagu soo xirayo hogaamiyayaashani oo lagu eedeeyay in ay ku kaceen falal mucaardnimo dalkana ay Khiyaaneen.

Dacwad oogayaasha dalka Belgium ayaa go’aan ka gaari doona maalinta barito ah codsiga Spain ee ah in hogaamiyayaashani la xiro. Mr Puigdemont ayaa sheegay in uusan dib ugu laaban doonin dalka Spain ilaa uu ka helayo damaanad qaad ku aadan in uu helayo maxkamadayn u dhacda si xaq.

Ad

Dhanka kale Kumanaan qof oo ah dadka ree Catalonia ayaa isugu soo baxay magaalada Barcelona ee dalka Spain.

Dadkan ayaa waxay dalbanayaan in la siidayo wasiiro hore oo ka mid ah dadkii tageersanaa aftidii madaxbanaanida kuwaasi oo ay xirtay xukuumadda Spain.

- Advertisement -

Dadka dibaxa dhigaya ayaa waxa ay u arkaan hogaamiyayaashani xiran in ay yihiin maxaabiis siyaasadeed.

Sideed siyaasi ayaa la xiray waxaan ku socda baaritaan la xiriira in ay ku kaceen falal mucardnimo iyo khiyaano qaran.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON