Saturday, May 18, 2024

Haweeney Talyaani ah oo laga soo furtay Alshabaab (Howlgal ay fuliyeen Sirdoonka Italy….”

Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa shaaciyey in lasoo furtay haweeney u dhalatay dalkaasi oo afduub loogu heystay gudaha Soomaaliya.

Qoraal uu Ra’iisal wasaare Conte soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in la xoreeyay Silvia Romano oo ah gabar Talyaani ah oo tan iyo November 2018 lagu heystay gudaha Soomaaliya, markii dalka Kenya ay kasoo afduubteen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.

Howlgalka lagu soo furtay haweeneyda Silvia Romano ayaa la sheegay inuu xalay dhacay iyadoo ay fuliyeen ciidamada sirdoonka dibadda ee Talyaaniga iyo ciidamo kale oo kaalmeynaya, kuwaasoo weerar ku qaaday Goob la sheegay inay 30 KM u jirto magaalada Muqdisho oo lagu heystay.

Ad

Gabadha Talyaaniga ah ee Silvia Constanca Romano oo laga afduubtay degaanka Chakama ee maamulka Kilif, dalka Kenya ayaa ilaa xilligaas la ogeyn halka afduubka loogu heysatay, waxaana Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte uu howlgalkan uga mahad celiyey Sirdoonka dalkiisa ee dibadda ka howlgala.

“Silvia Romano waa la sii daayey. waxaan u mahadceinayaa ragga iyo haweenka Sirdoonkeena dibadda. Silvia waxaan kugu sugeynaa halkan Talyaaniga” ayuu Raiisal wasaaraha Talyaaniga ku yiri qoraal kooban uu soo saaray.

Ragga afduubka ku heysatay haweeneydan ayaa la sheegay inay la xiriireen qoyskeeda iyo dowladda Talyaaniga ayna dalbadeen lacag madax furasho ah.

- Advertisement -

Silvia ayaa hadda la sheegay inay ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo loo diyaarinayo in loo duuliyo dalkeeda Talyaaniga.

Image
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON