Saturday, May 18, 2024

Guddoomiyaha G/Banaadir oo dib uga laabtay Amarkii uu ku soo rogay Beerta Nabadda [Akhriso]

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dib uga laabtay amarkii uu dhowaan soo saaray ee ahaa in lacag la’aan lagu galo Beerta Nabadda magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca maaliyadda Muluuka Xaaji Dheere oo shir jaraa’id ku qabatay Beerta Nabada ayaa sheegtay in markii ay la fariisteen maamulka Beerta Nabadda ay isla qaateen in sidii hore lagu soo galo Beerta oo ahayd qofkiiba Hal Doolar ($1).

Waxay intaasi ku dartay in xilli kasta aanu isbedeli doonin qiimaha Beerta oo aan qiimaha la kordhin doonin maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, isla markaana dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo dadka waayeelka ah ay lacag la’aan ku geli karaan Beerta.

Ad

Arrintan ayaa timid kadib muddo toddobaad ka badan oo muran ka taagnaa lacagta laga qaado Beerta, iyadoo guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu amar iska soo saaray isagoo aan cidna ka talogelin, taasoo keentay in markii saddexaad amarradiisa ay socon waayaan.

Hore ayuu guddoomiye Taabit u soo saaray amarro ay ka mid yihiin in Gaadiidka ciidamada AMISOM aysan mari karin Wadadda Maka Almukarama taasoo socon weyday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON