Sunday, May 19, 2024

Golaha Wasiirada oo magacaabay Agaasimaha Hay’ad Qaran oo Cusub & ku-xigeenkiisa

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabidda Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tirakoobka Qaranka (National Bureau of Statistics) iyo ku-xigeenkiisa.

Qoraal ku qornaa Ingiriis oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Sharma’arke Faarax loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’ada Qaranka ee Tirakoobka iyo ku xigeenka agaasimaha oo loo magacaabay C/raxmaan Cumar Daahir, waxaana Hay’addan lagu aasaasay xeer Madaxweyne.

Agaasimaha Hay’adda NBS ayaa hore u ahaa la-taliyaha Ra’iisal wasaaraha dhinaca dhaqaalaha, isagoo hore mudo 7 sano ah ula soo shaqeeyay Hay’adda UNICEF, muddooyinkii danbena ahaa saaxiib u dhow Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ad

Hay’ada NBS ayaa la sheegay inay yeelan doono Guddi fulin, iyadoo uu madax u noqon doono agaasimaha cusub, waxayna howsheedu noqon doonaa inay Soomaaliya mas’uul uga tahay dejinta xeerarka iyo sharciyada loo marayo tirakoobyada kala duwan iyo baaritaannada dalka laga sameeyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON