Saturday, May 18, 2024

Gabar Sacuudiyaan ah oo Xabsi ku mudatay Fanaan ay isku duubtay isagoo Masraxa saaran [Sawirro+Video]

Booliska Boqortooyada Sacuudiga ayaa xiray gabar dhallinyaro ah oo Masraxa uu ka heesayey Fannaan orod ku fuushay, isla markaana isku duubtay fannaankii, iyadoo ay kadib soo dhex galeen ciidamada ilaalada goobta magaalada Daa’if.

Muuqaal Fiidiyow oo laga duubay falkaasi ayaa muujinaya gabadha oo xirneyd Cabaayad Madow dhammaan jirkeeda qarisay, oo ku sii ordaysa masraxa uu saarnaa fanaanka heesayey oo lagu magacaabo Majid al Muhandis. Waxaana ka daba orday ciidamo ay ka mid tahay haweeney, balse lagama gaarin oo waxay isku duubtay Fannaanka oo markii danbe si dhib leh looga furfuray, waxaana dibadda ula baxay ciidamadii, kadibna xiray.

Booliska magaalada Daa’if ayaa sheegay in gabadha la geeyey meel dumarka lagu xiro, waxaana kiiskeeda lagu wareejiyey dacwad oogayaasha, ayadoo wajahaysa dambiyo ciqaabeed.

Ad

Dumarka Sacuudiga looma ogola inay dhex galaan ragga uusan wax xiriir ah kala dhaxayn. Isbeddelka ka dhacaya Sacuudiga ayaa dhakhsiyo ku socday, laakinse wuxuu dhanka kale keenay caro ka timid qolyaha muxaafidiinta ah ee dalka.

Image result for saudi girl arrested for hugging

Image result for saudi girl arrested for hugging

- Advertisement -

Image result for saudi girl arrested for hugging

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON