Thursday, May 2, 2024

Faahfaahin: Weerarkii Alshabaab ee degaanka Barujeed iyo Qasaaraha ka dhashay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar culus oo maleeshiyada Alshabaab ku qaaday degaanka Barujeed ee Gobolka Galgaduud, kaasoo dhaliyay qasaare xoog leh.

Weerarka ayaa ku bilowday Qarax is-miidaamin ah ayaa kadib waxaa dhacay weerar fool ka fool ah oo dhax maray ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee halkaasi ku sugnaa iyo maleeshiyada Alshabaab.

Taliska ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa dhinacooda sheegay inay ka hortageen weerarkii Alshabaab ay saaka ku soo qaadday fariisimaha ciidanka ee deegaankaas, loona geystay jab xoog leh.

Ad

Wararka ayaa sheegaya inuu dagaalka dhaawac kasoo gaaray Cismaan Cali Hudeey, Taliyihii Booliska Guriceel iyo Guddoomiye ku xigeenkii maamulka Shaafici Jaamac.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Alshabaab dagaalkii saaka ay uga cararreen Meydad badan oo lagu dilay dagaalka, ayna weli gacanta ku hayaan saldhigyadii lasoo weerarray.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa si degdega u sheegatay weerarka saaka, waxayna qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay la wareegeen degaana Barujeed, ayna ku dileen 61 askari oo ay ku jiraan saraakiil, kuna qabsadeen 6 gaari oo kuwa ciidanka ah. Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Alshabaab.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON