Friday, March 14, 2025

Xasan Sheekh: “Eritrea waxay noo tababartay oo Qalabaysay in ka badan 10,000 Askari”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay tirada ciidamada ay Eritrea u tababartay dowladda Soomaaliya, heerka taageerada dowladaasi siisay dibu dhiska ciidamada Xoogga Dalka.

Xasan Sheekh oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda Eritrea ayaa ka hadlay socdaalkii labada maalmood ahaa ee uu ku tegay dalka Eritrea, isagoo Madaxweyne Isaias Afwerki kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Mar la weydiiyay heerka xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ee xilligan ayuu Madaxweynaha Soomaaloya sheegay in xiriikaasi yahay mid taariikhi ah oo qoto dheer ilaa halgankii madax bannaanida Ereteriya, welina uu socdo

Ad

“Xilligan taageerada Ereteriya siiso Soomaaliya waa mid ka sarreysa waxa ay bixiyaan dhammaan dalalka kale. Caqabadda ugu weyn ee SOomaaliya haysata waa amniga. Eritrea ma aha dal weyn oo qani ah, balse waa dal ay dhab ka tahay oo si qalbi wanaag leh u taageeera Soomaaliya. Ereteriya waxay meel sare uga jirtaa taageerada Soomaaliya. Waxay tababartay oo ay qalabaysay in ka badan 10,000 oo askari oo Soomaali ah, oo ay ku jiraan ciidamo gaar ah, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona mustaqbalka ciidamadeena qaranka, ciidamada badda, iyo ciidamada cirka.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu dowladda Eritrea iyo madaxweynaheeda uga mahad celiyay sida ay Soomaaliya u garab sitaageen ugana qeyb qaateen aasaaska iyo ib-u-dhiska ciidankeena qaranka. “Waxaan horey u haysanay ciidamo ay soo tababartay Eritereeya oo ka howlgala Soomaaliya, waxayna u howlgalayaan si ka sareysa heerki laga filayay.” ayuu ku jawaabay Madaxweynaha mar la weydiiyay waxqabadaka ciidamada Eritrea tababartay.

“Eriteriya waxay si joogta ah u taageertay dagaalka ay Soomaaliya kula jirto khatarta Alshabaab, waxayna gacan ka geysataa tababarr ahaan, iyo qalabaynta ciidamadeena amniga, iyadoo sidoo kale bixinaysa talooyin qiimo leh oo ku saabsan farsamooyinka amniga” ayaa ka mid ahaa wareysiga Madaxweyne Xasan Sheekh siiyay warbaahinta dowladda Eritrea.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON