Tuesday, April 30, 2024

Abiy Ahmed oo soo jeediyay in Dalalka Somaliya, Jabuuti iyo Eritrea ku biiraan Itoobiya

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa si cad u shaaciyay qorhihiisa ah in Itoobiya ay hesho Marin iyo Dekado ku yaalla Badda Cas.

Khudbad uu shalay u jeediyay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Itoobiya ayuu Abiy Ahmed ku sheegay inay qasab tahay sidii Itoobiya u heli lahayd marin toos ah oo ay u marto Badda Cas.

Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa helitaanka Deked ay Itoobiya leedahay ku sheegay inay ku xiran tahay jiritaankeedka, ayna dowladda Itoobiya  u taallo inay ugu yaraan bilaabaan wadahadalkii ay ku heli lahaayeen Badda cas.

Ad

Wuxuu Abiy Ahmed xildhibaannada Itoobiya usoo bandhigay Khariirada Itoobiya oo u dhaxeysa Badda Cas iyo Webiga Nile ayaa ku dooday: In Itoobiya uu ka yimaado Webiga Nile, balse ay ku xiran tahay Noloshada dadka dalalka Suudaan iyo Masar, sidaas oo kalena Badda Cas ay tahay in laga wadahadlo maadaama ay ku xiran tahay nolosha Itoobiyaanka.

 “Badda cas iyo Webiga Niil ayaa go’aamin doona jiritaanka Itoobiya, waxay go’aanin doonaan horumarkeeda ama burburkeeda,” ayuu khudbadiisa ku yiri Ra’;’iisal wasaaraha Itoobiya.

Khudbadda Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo socotay muddo 45-daqiiqo ayuu ku yiri “Arrinta ugu murugada badan ee i xanuujisa ayaa ah in ka doodista ajendaha Badda Cas ay gaartey xitaa heer xildhibaanaiina aad u aragtaan inay tahay xaaraan.”

- Advertisement -

WUxuu Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed soo jeediyay qorshe ku saabsan in Itoobiya ay ku biiraan dalalka kale ee Geeska, taasoo keeni doonta inay noqdaan dowlad weyn oo la mida Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka, taasina lagu gaari karo barwaaqo.

 “Haddii Ereteriya, Jabuuti, Soomaaliya, Itoobiya ay hal dal ahaan lahaayeen – iska ilow federaal –si kasta oo ay ku timaadaba, ma kula tahay in Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Ereteriya ay dawarsan doonaan? Waxay la macno tahay Ruushka oo kale, Shiinaha kale, Ameerika oo kale; inay noqon lahaayeen Dal aad u weyn oo barwaaqo ah,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Wuxuu ku dooday in xuquuqda Itoobiya ku sheeganeyso helitaanka dekedaha Badda Cas ay salka ku hayaan arrimo juquraafi, taariikheed, qowmiyadeed, iyo dhaqaale, oo ay ku jiraan in baahida xaqa ah e Itoobiya u qabto inay hesho Marin Bad ah.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya wuxuu dalkiisa ku tilmaamay inuu yahay jasiirad ay biyuhu ku hareeraysan yihiin, balse ka harraadsan.

- Advertisement -

“Itoobiya 2030 waxay dadkeedu noqon doontaa 150 milyan Ruux. Dadkaas kuma noolaan karaan Dhul ah Xabsi oo Bad la’aan ah.. Haddii aynaan ka hadlin arrimaha, wax kale kama hadli karno” ayuu yiri Abiy Ahmed

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON