Sunday, May 19, 2024

Eedeysanayaal loo heysto dilka 72-qof & Qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo toogasho lagu xukumay [Daawo]

Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida dil toogasho ah ku xukuntay laba eedeysane oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaasoo lagu eedeeyay falal ami darro iyo qaraxyo ah.

Maxkamdda ayaa saaka u fariisatay dacwadda eedeysanayaasha kala ah: Maxamed Cali Barrow iyo Canshuur Cismaan Abuukar oo la sheegay inay la socdeen Gaari ku qarxay agagaarka Daljirka Dahsoon, isla maalintii 22-ka Disembar 2018 ee Qaraxyadii Tiyaatarka Qaranka.

Maxkamada ayaa sheegtay in labada eedeysane ee Maxamed Cali Barrow iyo Canshuur Cismaan Abuukar ay saarnaayeen markii la qabanayay Gaarigii ku qarxay agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon, ayna soo abaabuleen weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi 9-kii Bishii November 2018.

Ad

Eedeysane Canshuur Cismaan ayaa lagu eedeeyay sahmiye qaraxyo is-miidaamin iyo dilal qorsheysan, wuxuuna ku eedeysnaa isaga laba ruux oo kale weerarkii ay ku Qaadeen qoyska Xasan Cabdi Cawad oo ka mid ahaa maamulka Shirkadda Dahabshiil iyo weerar kale oo ka dhacay degmada Xamarweyne oo lagu dilay laba qof.

HOOS KA DAAWO

Flalanka lagu eedeeyay eedeysanayaasha waxay kala yihiin:

- Advertisement -
  • Taariikhdu markay ahayd 15/08/2017,waxay weerar ku qaadeen isaga iyo labo ruux oo kale gaari Hartob Land-garuuzal ah oo ay saarnaayeen hal Qoys oo ah reer Xasan Cabdi Cawad oo ka mid ah Maamulka Shirkada Dahabshiil, kuwaas oo ay ku fureen rasaas Tacshiirad ah uuna ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad kuna Dhaawacmeen 5-ruux oo ka mid ah qoyska maamulaha. 
  • Taariikhdu markay ahayd 27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah.
  • 1)Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi oo ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka qaranka, gaarigaasoo ay rasaas tacshiirad ah ku fureen ayna ku geeriyoodeen 2da marxuum ee sare ku xusan.
  • Taariikhdu markay ahayd 09/11/2018, wuxuu qayb ka ahaa eedaysanuhu qaraxyadii ka dhacay Hotel Sahafi, isagoo sahmiye iyo hage u ahaa 3-dii baabuur ee qaraxyada ismiidaaminta ahaa iyo weerarkii hubaysnaa oo ay ku naf waayeen dad gaaraya 32ruuxkuna dhaawacmeen69ruux oo kale,
  • Sidoo kale Taariikhdu markay ahayd 22/12/2018 wuxuu ahaa abaabulihii qaraxyadii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 27ruuxAyna ku dhaawacmeen 55ruux oo kale,

Iyadoo Ciidamada amnigu ku soo qabteen kadib markii uu uga degtay   gaarigii 2-aad ee Saarufka ahaa Taalada Daljirka Dahsoon, gaarigaasoo isagana qarxay ayna ku geeriyoodeen Marxuumiin ay ka mid ahaayeen 1)Marxuum Faysal Salaad Samow 2)Marxuum Axmed Maxamed Yuusuf oo labaduba macalimiin ka ahaa Iskoolka Yaasiin Cismaan.

Eedaysanaha 2-aad Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin), waxaa lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay  kooxda Al-shabaab gaar ahaan Qeybta qaraxyada,isla markaana uu qayb ka ahaa Sahmintii Qaraxii lagu weeraray Degmada H/wadaag 02/09/2018 oo sababay Dhimashada8ruux iyo Dhaawaca 27 ruux oo kale, sidoo kale wuxuu qeyb ka ahaa eedaysanuhu isaga iyo Eedaysanaha 1aad qaraxii ka dhacay Tiyaarka qaranka 22/12/2018 oo ay wadeen gaarigii 2-aad ee ku qarxay agagaarka Daljirka Dahsoon . 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON