Friday, May 3, 2024

Duqeyn Lagu burburiyay Dhufeysyadii Alshabaab ee Degaanka Shabeelow Gobolka Mudug

Wararka laga helayo Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in duqeyn cusub xalay lagu beegsaday Gaadiid badan oo Alshabaab u diray aagga Mudug, gaar ahaan degaanka Shabeellow.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday Maleeshiyada Alsahbaab ee ku jira Howdka deegaanada u dhow Shabeelow, waxaana ujeedka Duqeynta lagu sheegay burburinta Gawaari wadday maleeshiyaad iyo Saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa.

Sida lagu sheegay war ay faafisay warbaahinta dowladda waxaa duqeynta lagu burburiyay Gaadiidkaas, iyadoo ay dhinteen maleeshiyaad Alshabaab ah oo gaaraya 20, iyadoo la gubay Baabuurtii iyo Saanadii saarneyd Gaadiidkaas.

Ad

Shabeelloow iyo Degaanada udhow oo dhowan uu ka dhacay dagaal culus ayaa weli waxaa ka socda duqeyn, waxaana ku jira qeybo ka mid weli ku jira maleeshiyada Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON