Wednesday, November 29, 2023

Diyaaradaha Yuhuudda oo Duqeyn Aargoosi ah ku laayey Dad ku sugnaa Suuq

Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ayaa weerarro aargoosi ah oo is daba joog ah ka wada Marinka Gaza, iyagoo sii xoojiyay duqeynta aan loo aaba-yeelin ee ay ku wadaan dadka Falastiiniyiina ah.

Mid ka mida Duqeymaha diyaaradaha Yuhuuda ayey la beegsadeen Suuqa ku yaalla Xerada Qaxootiga Jabaaliya ee Waqooyiga Marinka Gaza, waxaana duqeyntaasi ku dhintay ugu yaraan 50 qof oo ahaa shacab ku sugnaa suuqaasi.

Waxaa maanta sii xoogeystay duqeynta diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ka wadaan Marinka Gaza, iyadoo maanta ay tahay maalintii ugu xumeyd ee duqeynta ku socota dadka Falastiin.

Ad

Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ayaa beegsanaya Suuqyada, Dhismooyinka, Masaajidyada iyo wixii dhaqaaqaya oo ay ku jiraan Gaadiidka gargaarka degega ah ee gudaha Marinka Gaza, waxaana arritan lagu macneeyay aargoosi, kadib dagaal qasaare cusub kasoo gaaray oo dagaalyahannada Xamaas maalintii saddexaad ku wadaan gudaha Israel.

Kooxda Xamaas ayaa sheegay in duqeynta maanta ee Yuhuudda ay ku dhinteen 4 ka mida maxaabiistii Isreal ee ku qabsadeen dagaalka iyo dadkii gacanta ku hayey.

Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Galant ayaa sheegay inuu amar ku bixiyay in gebi ahaanba la go’doomiyo Gaza, lagana jaro korontada, cuntada iyo shidaalka. “Falastiiniyiintu waa xayawaan bini’aadam u eg, sidaas ayaana ula dhaqmi doonna”an sida uu yiri” ayuu yiri wasiirka oo ka mida madaxda.

- Advertisement -

Tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee ku dhintay duqeynta Yuhuudda ee Marinka Gaza ayaa sii kordhaya, waxayna gaareen 500, halka dhawaca ka badan yahay 2700 qof.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON