Waxaa maalintii labaad socda dagaalka ‘Duufaanta Aqsaa’ ee dagaalyahannada Hamaas iyo kooxaha kele ee Falastiin ku qaadeen degaanada Isreal, waxaana sii kordhaya Qasaaraha gaaray ciidamada iyo dadka Yuhuudda.
Warbaahinta Isreal oo soo xiganeysa mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa shaacisay in tirada Yuhuudda ee kagu dilay dagaalka socda ay gaareen 600 qof, halka dhaawaca uu ka badan yahay 2000 qof.
Dagaallo culus ayaa ilaa xilligan ka socda degaanada Yuhuudda la dejiyay ee ku wareegsan Marinka Gaza oo ahaa xaafado isku xiran dhismayaal ah, kuwaas oo la dejiyay Yuhuuda dibadda kasoo haajirtay, waxaana 5 ka mida ka socda dagaal ku dhex maraya ciidamada Yuhuudda iyo dagaalyahannada Falastiin.
Magaalada Casqalaan ee u dhow Marinka Gaza ayaa dagaal culus wadooyinka ku dhex maray dagaalyahhano iyo ciidamada Yuhuudda, waxayna ciidamada Israel bilaabeen in dadka laga saaro dhammaan degaamada Yuhuudda la dejiyay ee u dhow Marinka Gaza.
Ciidamada Yuhuudda ayaa maanta markii ugu horeysay shaaciyay magacyada 18 askari oo ka mida kuwa lagu dilay dagaalka, waxaase weli maqan boqolaal askar iyo shacab oo dagaalka lagu la’ yahay.
Dhinaca kale Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda oo duqeymo joogto ah ka wada marinka Gaza, ayaa geystay qasaare xoog leh, waxaana duqeynta aargoosiga ah ku dhintay 313 Falastiiniyiin ah oo caruur iyo haween badan ku jiraan, kuwaas oo intooda badan ku dhintay Guryo lagu duqeeyay.