Sunday, May 19, 2024

Dowladda Kenya oo Ingiriiska u gacan gelisay Nin Somali-British loo heysto Dil uu ka geystay London

Dowladda Kenya ayaa UK u gacan gelisay muwaadiniin Somali-British ah oo loo haystay dacwad dil ah oo uu ka geystay dalka Britain.

War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda dambi baarista dalka Kenya DCI ayaa lagu shaaciyey in dambi-baarayaashu ay Ninkan iyo saaxiibkiis ka soo qabteen xaafad ku taala magaalada Nairobi oo lagu magacaabo Kilimani, halkaasi oo ay muddo ku dhuumaaleysanayeen.

Maxamuud Siyaad Abdixakiim oo 24 jir ah iyo Monteiro Tariq Kennedy Mangal, oo 21 jir ah ayaa lasoo xiray kaddib markii ay laamaha ammaanka heleen xogo sirdoon ah.

Ad

Raggan ayaa waxaa loo heystaa inay dileen wiil 16 jir ah oo magaciisa lagu sheegay Alex Smith, kaas oo toori lagu dilay gudaha xaafadda Camden ee magaalada London sanadii 2019-kii.

Booliska Britian ayaa rumaysan in mid ka mid ah labada nin ee baxsadka ahaa ee la qabtay uu fuliyay weerarka toorida, halka midka kalena uu saarnaa mid ka mid ah labo baabuur oo la xaday oo ku lug lahaa dhacdadaasi.

Falkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay xifaaltanka burcadda. Dambi baarayaasha ayaa sheegay in Tariq uu watay kaarka aqoonsiga Soomaaliya oo uu ku qoran yahay magaca Cabdulahi Abshir Maxamed iyo tooreey. Labo nin oo kale oo iayaguna lala xiririnayay dilka wiilkaasi 16-jirka ah oo haray loo xukumay ayaa xabsi ku yaalla UK ku dhameystay muddadii lagu xukumay

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON