Sunday, May 19, 2024

Dowladda Itoobiya Cudurdaar ka bixisay Map-kii Afrika ee Somalia lagu daray Dalka Itoobiya. [Akhriso]

Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda Itoobiya ayaa khalad si kedis ah u dhacay ku tilmaantay sawir ahaa khariirad (Map) dood xoog leh dhaliyay oo lagu daabacay bogga internet-ka Wsaaradda, kaasoo muujinayay in Somalia lagu daray dalka Itoobiya.

Qoraalka cudurdaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu yiri “Waxaan ka war helnay in sawir khaldan oo aan la aqbali karin oo muujinaya Khariidadda Afrika inuu si kedis ah kusoo galay bogga internet-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Federaalka ee Itoobiya. Isla markii aan ogaanay arrintaasi, si deg deg ah ayaan sawirkaas uga bixinnay Website-keena. Fadlan waxaan idin xaqiijineynaa kooxdeena dhinaca ICT-ga ay ka shaqeynayaan hubinta ammaanka Website-ka. Waxaan aad uga xunnahay jahwareer iyo is-faham-darrada ay suurgalka tahay inuu sababay shilkan”.

We have noticed that a wrong and unacceptable image of the Map of Africa has crept in on the Web site of the Ministry of Foreign of Affairs of the Federal Democratic Republic of Ethiopia. Upon becoming aware of the matter, we have immediately removed it from our Website. Please, be assured that Our ICT Team is working to ensure the security of the Website.
We sincerely regret for any confusion and misunderstanding this incident might have caused.

Soomaalida baraha bulshada adeegsata ayaa si weyn uga dhiidhisay Khariirada ay Itoobiya ku faafisay website-ka Wasaaradda Arrimaha dibadda dalkaasi, taasoo qasab ka dhigtay inay cudurdaar bixiyaan.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON