Friday, May 3, 2024

Dhufeysyadii Alshabaab ee Mudug oo la Duqeeyay iyo saraakiil ku dhintay dagaalkii shalay

Duqeyn culus ayaa maanta ka dhacday Tuulada Gaadaay ee u dhaxeya degaanada Wisil iyo Shabeelow ee Koonfurta Mudug, kadib dagaal qaraar oo shalay ku dhex maray ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo maleeshiyada Alshabaab.

Duqeynta maanta ayaa lala beegsaday aagagga ay ku jiraan Alshabaab ee degaanka Gaadaay, halkaas oo ah keymo ay ka sameysteen Godad waaweyn oo difaac ah, waxayna wararku sheegayaan in dhowr jeer ay diyaaradaha Drone Gantaalo la dhaceen dhufeysyada Alshabaab.

Wararka laga helay dagaalkii shalay ayaa sheegaya in lagu dilay ku dhowaad 30 ka mida dagaalamayaasha dadka degaanka oo ay ku jiraan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan magaalada Gaalkacayo.

Ad

Dagaalka shalay ka dhacay degaanka Gaadaay ayaa qarxay kadib markii ciidamada iyo saraakiil aadeen goob heerkiisu dareeyo oo degaankaasi u dhow si ay u helaan khadka telefoonka shirkadda Hormuod, balse waxaa dhexda u galay oo weerarray Alshabaab.

Dagaalkaasi kadib ciidamo gurmad ah ayaa gaaray goobta dagaalka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo aan waxba la isula harin.

Waxaa dagaalkii shalay oo dhowr jiho ka dhacay, isla markaana dhowr jeer la isku fara saaray ku dhintay Col. Cali Naasir Cabdi Faarax iyo mas’uuliyiin kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo.

- Advertisement -

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dagaalkan ku dileen 58 qof ama ay tiradu gaartay ku dhowaad 100, balse ma jirto cid xaqiijisay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON