Sunday, February 16, 2025

Dagaal Culus oo Mudug ku dhex maray Ciidamada Dowladda, kuwa Degaanka iyo Alshabab

Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal culus uu maanta ka dhacay degaanka Shabeelow ee Koonfurta Mudug, kaasoo dhaliyay qasaare xoog leh.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ku bilowday howlgal qorshaysan oo ay wadajir u fuliyeen Ciidanka Xoogga dalka iyo Ciidamada degaanka ee beelaha Koofurta Mudug, kaasoo ka dhacay howdka tuulada Shabeelloow ee Koofurta gobolka Mudug.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Howlgalka uu ahaa mid degaankaasi looga sifeynayay Maleeshiyada Alshabaab ee ku dhuumaalaysanaysay halkaasi, isla markaana khasaare xooggan lagu gaarsiiyey.

Ad

Dhinaca kale warar laga soo xigtay dadka degaanka ayaa sheegaya inuu dagaalku geystay qasaare culus oo gaaray labada dhinac, iyadoo saraakiil ka tirsan ciidamada degaanka halkaasi lagu dilay.

Alshabaab ayaa sheegtay in dagaalka maanta kad hacay degaanka Gaadaay ay ku dileen 27 askari oo isugu jira askar iyo ciidamada degaanka, taasoo aanay jirin cid xaqiijisay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON