Sunday, May 19, 2024

Dhagxaantii iyo Jid-gooyada oo xalay laga qaaday Qaar ka mida Wadooyinka Muqdisho (Maxaa ku qarsoon?)

Qaar ka mida Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa xalay laga qaaday dhagxaantii waaweyn iyo jidgooyadii taalay muddo sanado ah.

Wadooyinka xirnaa ee Dhagxaanta Shubka ah laga qaaday ayaa u badan Jidka Wadnaha oo ahaa ku dhowaad 3 sano aysan Gaadiidka ka gudbi karin, waxaana ka mida: Isgoysyada Sanca, Jardiinka, Siinaay, Florence, Sheekh Cali Suufi, Trebuunka Seybiyano iyo Isgoysyo kale.

Dadka degmooyinka xayiraada laga qaaday ayaa isla xalay isaga gudbay wadooyinka la furay, iyadoo toddobaadkii hore oo la sheegay in sidan oo kale loo furay qaar ka mida wadooyinka aysan waxba ka suuragelin markii kaliya lafa fogeeyay dhagxaantii wadooyinka oo gudaha loo geliyay xaafadaha.

Ad

Warar laga helay maamulka Gobolka Banaadir iyo Madaxooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in muddooyinkan uu socday qorshe lagu doonayo in lagu furo wadooyinka Muqdisho si looga dhigo guul siyaasadeed oo hoggaanka dalka uu olole doorasho ka dhigto kadib saddex sano iyo bar bulshada Muqdisho la dhageysan waayey qeylo dhaanta ka socotay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON