Sunday, May 19, 2024

DEGDEG: Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Sheekh Roobow oo shir uga socdo Xudur

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ka mid ahaa ku xigeenada Amiirka Alshabaab intii aanu ka goosan ayaa saaka tegay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool oo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya gacanta ku hayaan.

Sheekh Roobow ayaa la sheegay inuu isu dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana wehliyay saraakiil ka tirsam ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya.

Kulan ayaa hadda uga socda magaalada Xudur xubno ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed iyo Sheekh Roobow, kulanka waxaa goobjoog ka ah wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Ad

Laba dhinac ayaa ka hadlaya waxa laga yeelo Sheekh Roobow oo ah ninkii ugu cuslaa ee Alshabaab ka baxa, kuna soo biira dowladda Soomaaliya, isagoo muddo sanado ah gooni u joog ahaa.

Goobjooge

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON