Sunday, May 19, 2024

Alshabaab oo dishay Xildhibaan ay afduubteen oo ka tirsanaa Hirshabeelle

Koox hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ayaa dishay xildhibaan ka tirsanaa maamulka Hirshabeelle oo ay ka afduubteen saaka xilli uu ku safrayey wadadda u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Sida ay xaqiijiyey xubno ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo ku sugan magaalada Jowhar Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad ayey dableyda Alshabaab dileen iyagoo gowracay, kadib markii ay kala degeen Gaari dadweyne uu la socday, wuxuuna ka yimid magaalada Jowhar kuna soo socday Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa ahaa nin oday ah, waxaana uu ka mid noqonayaa xildhibaanno dhowr ah oo Alshabaab ay dhiiggooda ku daadiyeen wadadda u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar, isagoo uga duwan in xildhibaannadii hore lagu dilay qaraxyo iyo weerarro, halka xildhibaankan la dilay, kadib markii la qafaashay.

Ad

Dhinaca kale War goor dhoweyd kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay inay dileen xildhibaan Maxamed Maxamuud Xuurshe oo ahaa xildhibaan ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, kaasoo howgal ka dhacay duleedka Balcad lagu qafaashay, kadibna la dilay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON