Sunday, May 19, 2024

Dastuurka KMG ah oo lagu qoray Afka Carabiga, laguna soo bandhigay Muqdisho [Sawirro]

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya ayaa qabatay munaasabad lagu daah-furayay Barnaamijka Dastuurka KMG ah oo Carabi lagu qoray.

Waxaa ka qeyb galay munaasabadda wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dastuurka iyo Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka  Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa ka warbixiyay hawshii soo qabsoontay ee la xiriirtay in Carabi lagu qoro Dastuurka KMG ah, isagoo ka qeybgalayaasha u soo bandhigay nuqul kamid ah Dastuurka KMG ah oo loo turjumay Afka Carabiga.

Waxaa isna munaasbadda ka hadlay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Mudane Xamud Bin Samraan oo sheegay inay dadka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin caawinaad joogta ah, gaar ahaana inay door muuqda ka qaadan doonaan hawlaha dhameystirka Dastuurka dalka.

Ad

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa Safiirka Jaamacadda Carabta uga mahadceliyay doorka uu ka qaatay carabiyaynta Dastuurka. Wasiir Ku-Xigeenka ayaa Safiirka ka gudoomay nuqul kamid ah Dastuurka KMG ah ee JFS oo ku qornaa Afka-Carabiga.

No automatic alt text available.

- Advertisement -

Image may contain: 2 people, people standing and text

 

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON