Saturday, May 18, 2024

Dal cusub oo 1500 qof laga helay cudurka Coronavirus muddo 24 saacadood gudahood ah.

Iyadoo uu sii faafayo cudurka Coronavirus ayaa dalka Spain wuxuu noqday dalka labaad ee Yurub uu sida weyn ugu faafayo cudurkan kadib markii hal maalin laga helay dad gaaraya 1500 qof.

Warbaahinta dalka Spain ayaa shaacisay in dowladda dalkaasi ay qorsheyneyso inay xaalad degdeg kusoo rogto dalkaasi oo dhan oo ay ku nool yihiin 46 milyan oo ruux, iyadoo gebi ahaan la joojinayo isu socodka dadka dalkaasi.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii 24-kii ee ugu danbeeyay dalka Spain cudurka Coronavirus laga helay 1500 qof, oo ah tirada ugu badneyd dal Yurub ah marka laga reebo Talyaaniga oo loo aqoonsaday xarunta uu ka faafo cudurkan.

Ad

Ra’iisal wasaaraha dalka Spain Pedro Sánchez ayaa lagu wadaa inuu la hadlo dadweynaha dalkaasi isagoo ku dhawaaqi doona xaalad degdeg, kadib markii uu si aan hore loo arag u faafay cudurka COVID-19 ee Coronavirus.

Guud ahaan dadka Spain ee qaba cudurka ayaa sare u dhaafay 5,753 oo kala bar ay ku nool yihiin caasimadda Madrid, waxaana dalka labaad ee Yurub oo uu halakeedyay cudurkani.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON