Sunday, May 19, 2024

Dagaal ka dhex bilowday Ciidamada Dowladda iyo Milateriga qabsaday qeybo ka mida Muqdisho

Dagaal ayaa ka dhex qarxay ciidamada dowladda iyo Ciidamo ka tirsan Milateriga oo qabsaday degaano ka mida caasimadda ee Waqooyiga Muqidsho.

Rasaasta ayaa ka bilaabatay Isgoyska Sanca iyo agagaarkiisa degmada dhinaca degmada Shibis, waxayna dadka degaanka sheegayaan inay socoto rasaas xoog leh, iyadoo ciidamada dowladda la sheegay inay weerar soo qaadeen.

Ciidamo ka tirsan Nabadsugidda ee Duufaan ayaa la sheegay inay dagaal ku wajahayaan ciidamada gadoodsan, kadib markii ay goobahaasi isaga baxeen ciidanadii Booliska oo diiday inay dagaalamaan.

Ad

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in labada ciidan ay weli is hor fadhiyaan rasaastuna si goosgoos ah ku socoto.

Dagaalka ka hor ayaa jidka Soddonka iyo Wadnaha lagu arkay ciidamo gaadiidka dagaalka ee ciidamada gorgor iyo NISA oo taabacsan dowladda, kuwaas oo ku wajahan dhinaca waqooyi ee ay qabsadeen Milateriga ka yimid Gobolka Sh/Dhexe.

Farmaajo aya u muuqda inuu qaatay goaan ah inuu awood ku maquuniyo ciidamada ka hor yimid muddo kororsiga uu sameeyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON