Saturday, May 18, 2024

Dadkii ugu badnaa oo Talyaaniga ugu dhintay maanta Coronavirus & Yurub oo noqotay xarunta Cudurka.

Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay tiradii ugu badneyd oo maalin qura u dhintay cudurka COVID-19 oo uu keeno Coronavirus.

Wasaarada Caafimaadka Talyaaniga ayaa shaacisay inay maanta dalkaasi ugu dhinteen cudurka Coronavirus dad gaaraya 250 qof, tiradaas oo ah tii ug badneyd ee dalkaasi laga diiwaan geliyey iyo guud ahaan qaaradda Yurub.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sidoo kale shaacisay in Yurub ay hadda noqotay barta uu ak faafayo cudurka COVID-19, waxaana dalalka Yurub ay noqdeen halka ay ku dhintaan dadka ugu badan, isla markaana uu soo rito dadka ugu badan xilligan.

Ad

Dadka Coronavirus u dhintay ayaa hadda sare u dhaafay 5000 qof, waxaana hadda sida dad gaaraya 132,000 qof, iyadoo ay kasoo bogsadeen 68,00 qof.

Dadka Talyaaniga oo gaaraya 60 Milyan qof ayaa la geliyay karaantiil, iyadoo laga joojiyey dhamaan dhaqdhaqaaqyadii iyo shaqooyinkii, waxaana dalkaasi uu dagaalkii ugu adkaa kula jiraa cudurkan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON