Saturday, May 18, 2024

Dadka Coronavirus ugu dhintay Talyaaniga oo ka batay Shiinaha (Akhriso tirada guud ee geerida iyo..)

Talyaaniga ayaa iminka noqday dalka ay ku dhinteen tirada ugu badan dadka qaba cudurka Coronavirus ee COVID-19, waxaana 24-kii saac ee la soo dhaafay Italy ay shaacisay inay cudurka u dhinteen 427.

Talyaaniga oo ah dalka ugu weyn Yurub ee cudurka uu halakeeyay ayaa waxaa u dhintay ilaa hadda 3405 qof, waxaana dalka Shiinaha oo ahaa dalka uu cudurka ka bilowday ku dhintay dad gaaraya 3245, iyadoo uu sidaasi Talyaaniga ku noqday dalka cudurka COVID-19 uu ku dilay tirada ugu badan dunida oo dhan tan iyo intii uu cudurka sida weyn uga oo shaac baxay 21- Febraayo 2020.

Dadka Cururka Coronavirus sida ee Talyaaniga waxay gaarayaan 41,035. Arbacadii ayuu Talyaaniga diiwaan geliyay tiradii ugu badneyd ee maalin qura cudurkan u dhinta oo ahayd 475.

Ad

Guud ahaan dunida waxaa Coronavirus qaba 220,000 qof, iyadoo ay u dhinteen 8800 qof, haka 88,000 qof ay ka bogsadeen, sida ay sheegtay Jaamacadda Johns Hopkins University ee dalka Mareykanka oo xaaladda cudurkan la socota.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON