Sunday, May 19, 2024

DAAWO: Sheekadii Caan baxday dhex martay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya & Dhaxal-sugaha Imaaraadka

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo booqasho ku maraya dalka Mareykanka ayaa shaaciyey sheeko dhex maray isaga iyo dhaxalsugaha Imaaraadka Carabta Mohammed bin Zayed xilli uu booqday magaalada Adis ababa.

Hadalkan oo saxaafadda Carabta ay si weyn u hadal hayaan markii laga soo tarjumay afka Xabashiga ayuu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya u jeediyay  jaaliyadda Itoobiya ee dalka Mareykanka, magaalada Virgina wuxuuna ku ceebeeyay Imaaraadka inay lumiyeen diinta islaamka.

Sheekada uu soo weriyey Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa yiri: Dhaxal-sugaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid ayaa waxaa ma dhex maray sheekadan:

Ad

Abiy Ahmed: Waxaan u bandhigay Maxamed Bin Zayid inaan dhiseyno Machad Islaami ah, waxaanan weydiiyay maxaad nagu saacideysaan..?

Mohamed Bin Zayid: “Wax waliba diyaar  ayaan idinka nahay, waxna waan idin bareynaa..

Abiy Ahmed: Waxbaristiina uma baahnin, maxaa yeelay Diin fara kuma heysaan, ee waxaan idinka dooneynaa waa inaan degdeg u barano Carabiga, si aan  si fiican ugu fahamno Diinta, markaas kadibna aan idinkana idinku soo celino jidka toosan.

- Advertisement -

Abiy Ahmed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in muslimiinta Itoobiya ku nool ay ka badan yihiin marka la isku geeyo dadka ku nool dalalka Sacuudiga, Kuwait, Qatar iyo Imaaraadka, wuxuuna yiri: “Dadka afarta dal marka la isku daro waa 35 milyan oo qof, idinka waa taqaanaan tiradeena..”

Abiy Axmed waxaa uu ka hadlay Taariikhda uu Islaamka ku leeyahay dalkiisa, waxaa uu tilmaamay in haweyneydii ugu horreysay oo nuujiso “N.N.K.H’ in ay aheyd Barkah oo xabashi aheyd.

Abiy ayaa sidoo kale sheegay in Mu’adinkii Islaamka ugu horreeyay uu ahaa Bilaal oo isna ka soo jeeday Xabashida, waxaa uu hoosta ka xariiqay in Xabashida ay aheyd dalkii ugu horreeyay magangelyo siiya Asxaabtii Nabiga N.N.K.H, markii ay dhib kala kulmeen reer Makah ayna u cadaabi jireen diintooda darteed.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON