Sunday, May 19, 2024

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegaya Howlgalka AMISOM Qeybtiisa 2-aad ee Jubbooyinka

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inay ciidamo dheereed ah  u diro doonto dalka Soomaaliya iyagoo ku biiraya ciidamadii hore ugu sugnaa  dalkaasi ee  qaybta ka ahaa howlgalka AMISOM.

Itoobiyac

Ciidamada cusub ee Itoobiya u direyso Soomaaliya ayaa gaaraya 1000 askari oo hor leh, waxayna la wareegi doonaan magaalada Kismaayo oo hore ay ugu sugnaayeen ciidamo Kenya ka socda oo ka mida qeybta 2 (scetor 2) AMISOM ee Jubbooyinka. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo hordhac u ah ciidamadan ayaa dhowaan tegay magaalada Kismaayo.

Ad

Maamulka Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer ka codsaday dowladda Itoobiya inay buuxiyaan kaalintii ay baneeyeen ciidamad Siiraaliyoone ee ka tegay Kismaayo, taaasoo fursad kale siisay Itoobiya markii Midowga Afrika waayay dal kale oo doonaya inuu ciidamo ku daro AMISOM.

Ciidamada Itoobiya ayaa sidan ku noqonaya inay ku wada sugan yihiin dhammaan gobolada Koonfurta Soomaaliya iyo magaalooyinka waaweyn ee istiaatiijiga ah marka laga reebo Muqdisho.

Goobjooge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML-1″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON