Sunday, May 19, 2024

Ciidamadii Mareykanka ee ku sugnaa Soomaaliya oo laga saaray iyo Tiro yar oo ku haray si ay….


Taliska militariga Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyey in dhammaan ciidamadii Maraykanka laga saaray Soomaaliya.

Afhayeenka AFRICOM Gaashaanle Sare Christopher Karns ayaa u sheegay in laba maalmood la dhammeeyay howshii daad gureynta ciidamada, hor waqtigii kama-dambaysta ee uu u qabtay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump in ciidankiisa looga saaro Soomaaliya oo ku beegnayd 15-ka Jannaayo.

Karns waxa uu sheegay in tiro aad u kooban oo ciidamada Maraykanka ah ay ku hareen Soomaaliya si ay u xiriiriayana howlgallada laga fulin doono Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale sheegay in sababo dhinaca hawlgallada socda ah darteed aysan xilligan sheegaynin waddamada la geeyey ciidamada laga qaaday Soomaaliya.

Ad

Waxa uu sheegay Gaashaanle Sare Karns in haatan hawgalkoodu galay wejiga xiga oo ah inay wada-shaqayn xilliyo leh la sameeyaan ciidamada Soomaaliya. Waxa uu ku gooddiyey in Maraykaku ay sii wadi doonaan cadaadinta ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Tirada ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegaa inta u dhaxaysa 650-800, kuwaasi oo Soomaaliya u joogay inay tababaraan islamarkaana caawiyaan ciidamada Soomaalida, gaar ahaan ciidanka Danab.

Madaxweyne Trump aya dalbay in ciidanka Maraykanka laga soo saaro Soomaaliya horraantii bisha December ee aynu soo dhaafnay. 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON