Sunday, May 19, 2024

Ciidamadii dowladda Soomaaliya ka codsatay Itoobiya oo ka soo gudbay Xuduudka

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo  fara badan oo Itoobiyaan ah ay kasoo gudbeen xuduudka Soomaaliya iy Itoobiya.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin ciidamo ay codsatay dowladda Soomaaliya oo ka qeyb qaadan doona dagaal lagu qaadayo kooxda Alshabaab, waxaana saaka lagu arkay iyagoo kasoo tallaabaya degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Ciidamada kasoo gudbay xadka Gobolka Gedo ayaa la sheegay inay garayaan Hal Guuto oo ah mid dagaal, waana jawaabtii ugu horeysay qorshe dagaal oo dalalka AMISOM iyo dowladda Soomaaliya isla garteen in lagu qaado Alshabaab.

Ad

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhowaan booqday dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Uganda ayaa ka helay taageero ku aadan dagaalka la qorsheynayo in Alshabaab looga xoreeyo gobollaa Koofurta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON