Sunday, May 19, 2024

Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay Magaalada Cadaado

Wararka laga helayo degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamadii Itoobiya ay ka baxeen degmada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug iyagoo aan la ogeyn sababta ay magaalada uga baxeen.

Itoobiyac

Ciidamada Itoobiya ee ka mida AMISOM ayaa u baqoolay dhinaca magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud oo xarun u ah kooxda Ahlu suna ee Goboladda Dhexe. Dhaqdhaqaaq ciidan oo weyn ayay Itoobiyaanku ka wadaan goboladda dhexe, waxaana dhowaan Guriceel ka tegay ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmo ka hor soo degay, iyagoo u ruuqaansaday dhinaca Ceelbuur oo la sheegay inay uga gudbi doonaan Ceeldheer oo Alshabaab ku sugan tahay.

Ad

Magaalada Cadaado ayay ciidamada Itoobiya in muddo ah ku sugnaayeen iyagoo ku sugnaa Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha Cadaado iyo Xarumo muhiim ah oo ay ammaanka sugi jireen.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON