Sunday, May 19, 2024

Ciidamada dowladda oo xiray Wadooyinka Muqdisho iyo Gaadiid dagaal oo lagu arkayo

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay xireen inta badan wadooyinka caasimadda, iyadoo gaadiidka dagaalka iyo ciidamo badan lagu arkayo isgoysyada.

Waa maalintii labaad oo si xiir ah loo xiro wadooyinka, kadib markii shalay inta badan caasimadda loo xiray jidadka aaska Qaran ee loo sameeyay Madaxweynihii hore Marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Maamulka Gobolka Banadir iyo Hay’adaha Amniga dowladda ayaan wax faahfaahin ah ka bixin wadooyinka la xiray maanta oo ah maalintii koowaad ee isbuuca oo dadku shaqooyinkooda ku kalahaan, waxaana caqabado badan laga soo sheegay inay heysato isu socodka gaadiidka.

Ad

Wararka la helay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni uu maanta magaalada Muqdisho kusoo wajahan yahay, iyadoo aan la ogeyn sababta loogu xiray wadooyinka Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON