Sunday, May 19, 2024

Ciidamada dowladda oo weerar culus ku qaaday Alshabaab iyo Dagaal ka socda degaanka Basra ee…

Dagaal culus ayey ciidamada dowladda ku qaadeen degaano ka tirsan Degmada Balcad oo ay gacanta ku hayaan Alshabaab, iyadoo dagaalku uu weli ka socdo halkaasi.

Wararka laga helayo degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in dagaalka oo bilowday barqanimadii maanta uu weli socdo, kadib weerar qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka dalka ku qaadeen degaanada u dhow degmada Balcad ee Daniga iyo Basra oo Alshabaab muddo dher ka talineysay, una ah fariisin lagu qaado dacwooyinka, laguna ururiyo canshuuraha.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in madaafiic iyo hub culus ay labada dhinac isu adeegsadaan iyadoo rasaasta laga maqlayo degmada Balcad. Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda laga soo xigtay inay weerar ku qaadeen xarumaha Alsahbaab ee u dhow degmada Balcad.

Ad

Alshabaab ayaa sheegay inay weerar dhabagal ah ku qaaday ciidamo huwan ah oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa deegaanka Basra iyo degmada Balcad, ayna gubeen Gaari Cabdi Bile ah oo askartii la socotay ay ku waxyeeloobeen.

Qasaaraha dagaalka socda ayaan weli faahfaahintiisa soo bixin, iyadoo howlgalka ciidamada dowladda kusoo beegmay xilli la qabanqaabinayo doorasho ka dhaceysa magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabelle.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON