Sunday, May 19, 2024

Ciidamada Dowladda oo howlgalkii ugu weynaa ku qaaday Gobolka Sh/Dhexe (Kadib maxaa dhacay..?)

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira Kumaandooska Xoogga dalka ee Gor-gor iyo Guutooyinka 7-aad iyo 3-aad ee Milaterga afartii maalmood ee ugu danbeeyay howlgal weyn ku qaaday degaano ka tirsan gobolada Shabeelada Dhexe, gaar ahaan Degmada Balcad oo ah ka howlgalan Alshabaab.

Howlgalkan ayey ciidamada Gorgor u ugu suuragashay inay Alshabaab ka qabsadeen degaanada Basra, Daniga iyo Buulo-fuunto oo ahayd xarumo maxkamado iyo canshuur qaadis oo ah oo Alshabaab ka howlgalaan.

Howlgalkan ayey ciidama dowladda sheegeen inay ku dileen ilaa 11 maleeshiyo oo uu ka mid yahay horjooge u qaabisanaa Zakooyinka, waxaana Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage uu sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa bur-burinta goobaha Al-shabaab dadka ay ku baadaan.

Ad

Tuulooyinka ciidanka xoogga dalka howlgaladooda kula waregeen oo ka tiran Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose ayaa waxaa ka mida: Buulo kuunte, Daniga Baallow, Basro, Basro beledu raxmo, Mooyaale, Kulanta, Garasweyne, Istanbuul, Walamow, Muryaale iyo degaanno kale.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada dowladd ay maanta isaga baxeen degaanadii Basra iyo Daniga, ayna banneeyeen degaanadii ay howlgalka ku qabsadeen, taasoo keenay inay Alshabaab dib ula wareegaan, waxaana arrintan cabsi ka muujiyey dadka degaanka.

Lama oga sababta keenay in Ciidamada dowladda ay ka baxaan deganaadii degmada Balcad ee ay ka qabsadeen Alshabaab, waxayna wararku sheegayaan in dib ugu laabteen fariisimadoodii.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON