Sunday, May 19, 2024

Ceydiid Ilka-xanaf: “Waxaa iigu yaab badnaa kiis aan shan jeer marba qof u xukmiyay..”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa sheegay in garsoorka dalka ka jira uu yahay mid aan si dhab ah u hubin karin xaqiiqada arrimaha la isku heysto ee dacwadu ka taagan tahay, isagoo caddeeyay in dad fara badan ay mar qura isku heystaan Guri qura ama hanti kale oo maxkamaduna aanay xaqiijin karin cidda saxda ah.

ilka-xanaf

Isagoo ka hadlayay shirkii Guddiga ammaanka dowladda ayuu u sheegay in isagu ay ugu yaab badneyd Kiis guri la isku heystay oo uu shan jeer xukun kasoo saaray mar kastana uu qof cusub u xukmiyay kadib markii u dhageysto doodiisa, iyadoo aanay  jirin caddeyn sax ah.

Ad

Ceydiid Ilka-xanaf ayaa eeda oo dhan dusha ka saaray shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay cadaalad dooneynin qof kastaana ay wadato lacag xoog leh kuna dooneyso in dacwada loogu xukmiyo, taasina saameyn ku leedahay cadaaladda dalka ka jirta.

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa gasha dacwad kasta oo qof Soomaali ah geysto mana jiraan kiis ay dib u soo celiso iyadoo Maxkamadda sare garsooreyaasheeda weli muran ka taagan yahay oo tiro ahaan iyo sharci ahaanba madaxda sare ee dowladda  iyo wasaaradda Cadaaladda caddeeyeen inay sharci darro ku shaqeeyaan.

Goobjooge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML-1″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON